Advertisements
Wararka

Ra’iisal wasaaraha Netherlands oo nadiifiyey dhulka oo kafee uga daatay…


Fiidiyoow aad u faafay oo ku saabsan Ra’iisal wasaaraha Netherlands Mark Rutte, oo nadiifinaya dhulka ka dib markii uu uga daatay koobkii kafeega ee gacanta ku watay, sidaasi ayaa lagu baahiyay baraha bulshada.

Ra’iisal wasaaraha Nederland ayaa rabay inuu baajkiisa isaga furo albaabka elektroniga si uu uga qayb galo kulan markii koobka dhulka uga dhacay.

Rutte ayaa waydiistay gabadha ka shaqeysa nadiifinta in ay siiso xaaqinka dhulka lagu masaxo, wuxuu bilaabay inuu dhulka tirtiro, taasi oo soo jiidatay dadkii halkaasi ka dhowaa, kuwaasi oo isugu daray sawaxan iyo sacab.

Inkasta oo Ra’iisul-wasaaraha uu ogaa in kamarada television-ka daba socotay uma aabba yeelin si deggen ayuu howshiisa isaga watay.

Waxaa horey u jiray sawirro sidoo kale faafay ee isla mas’uulkan oo saaran baaskiil asaga oo u socday qasriga boqorka si uu ula kulmo boqorka dalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5423 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: