Advertisements
Wararka

Ururka xasaradaha adduunka oo ka digay saameynta khilaafka Khaliijka ee Somalia…


Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka qaraar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Somalia.

Ururku wuxuu siyaasiyiinta Somalida Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay laka jirsadaan dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka taagan sabatoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalaasaha isa soo taraya ee Somalia gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Kolkii sacuudiga iyo imaaraatka Carabtu ay xiriirka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Somalia taas oo xiriir laleh labada dhinacba.

Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dowladaha Somalia iyo Imaaraatka asagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Somalia in ay ka faa’idi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: