Advertisements
Wararka

Argentina oo joojisay ciyaar saaxibtinimo oo ay la laheyd Israel oo lagu qaban lahaa Qudus…


Argentina ayaa joojisay ciyaar saaxiibtinimo ay isku arki lahaayeen Israel oo aheyd isu diyaarinta tartanka Koobka Adduunka, waxaa keenay cadaadis siyaasadeed ee la macamilka Israa’iil dadka reer Falastiin ee ku nool Gaza.

Weeraryahanka reer Argentina Gonzalo Higuain ayaa u sheegay channel ESPN Sports maalintii Talaadada in ciyaarta la joojiyay.

Higuain ayaa ku sheegay wareysiga “ugu dambeyntii waxay qaadeen talaabo sax ah.”

Wakaaladaha wararka ee Argentina ayaa laga soo xigtay warbixin sheegeysa in la baajiyey ciyaarta. Laakin weli ma jiro wax war ah oo rasmi ah ka soo baxay xiriirka kubadda cagta ee Israel.

sawirka Messi.jpg

Wararka warbaahinta ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, uu la xiriiray Madaxweynaha Argentine Mauricio Macri si uu isugu dayo in ciyaartaasi la qabto, taasi oo la qorsheeyey inay ka dhacdo magaalada Qudus maalinta Sabtida.

Warkaasi ayaa reer Gaza aad ugu farxeen, halkaasi oo 120 Falastiin ugu yaraan ay ku dileen ciidamada Israel ayaga oo dibad baxayey.

Dhinaca magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ayaa xiriirka kubada cagta ee Falastiin soo saaray war qoraal ah kaas oo weeraryahanka reer Argentina Lionel Messi iyo saaxiibadiisa ugu mahad celiyey joojinta ciyaarta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: