Advertisements
Wararka

Kenya oo ka carootay in garoonkeeda Jomo Kenyatta lala bar bar dhigo kuwa Somalia


Dowlada Kenya ayaa si weyn uga carootay in garoonkeeda Diyaaradaha Joma Kenyatta ee kuyaala magaalada Nairobi lala bar bar dhigo garoomada Diyaaradaha ee kuyaala Soomaaliya.

Guddoomiyaha dallada shirkada diyaaradaha ee dalka Australia Mr. Graeme Samue ayaa isbuucii hore jeediyay hadal ka careesiiyay dowlada Kenya, waxa uuna ku tilmaamay garoomada Soomaaliya iyo kuwa Nairobi kuyaala ay yihiin kuwa ay ka dhici karaan qaladaad.

Hadalkan ayuu sheegay Gudoomiyaha mar uu ka hadlayay Diyaarad ay leedahay shirkadda dulimaadka Qantas oo lagu khasbay inay bixiso $18,000 oo ganaax ah kadib markii si aan qorsheysnayn uga dagtay garoon ku yaalla dalka Australia.

“Diyaarad si aan qorsheysnayn uga dagtay garoon ayaa lagu horgooyay gaari si aysan u duulin laguna khasbay inay $18,000 bixiso. Ma qiyaasi kara meel dunida ka mid ah oo arrintan oo kale ay ka dhici karto, malaha marka laga reebo Soomaaliya iyo Nairobi”, ayuu yiri Samuel.

Safiirka Kenya u fadhiya dalka Australia ayaa warqad cabasho ah oo ka dhan ah hadalkan u gudbiyay wasaaradda arrimaha dibedda ee Australia, waxa uuna sheegay safiirka in nasiib daro tahay garoon weyn oo la qadariyo in lagu tilmaamo burcad badeed.

Guddoomiyaha dallada shirkada diyaaradaha ee dalka Australia ayaa durbo raali galin ka bixiyay hadalka ka careysiiyay dowlada Kenya, waxa uuna sheegay in uusan ula jeedin in uu sumcad xumeeyo garoonka Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: