Advertisements
Wararka

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo ka hadashay isku horimaadyada ciidanka dowlada…


Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay iska hor imaadka u dhaxeeya ciidanka dowlada ee kusoo batay magaalada Muqdisho iyo dilalka ay ciidanka dowlada u geestaan dadka shacabka ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay wax laga xumaado ay tahay in ciidankii loo xil saaray ilaalinta amaanka shacabka in iyagii ay dilaan shacabka.

Waxa uu ku amray xeer ilaalinta iyo Hay’adaha dambi baarista in baaritaano ku sameeyaan iska hor imaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dadkii shacabka ahaa ee ay dileen ciidanka dowlada.

Shuute ayaa sheegay in aan laga hari doonin dhiiga shacabka ee sida micno darada ah loo daadiyay, waxa uuna sheegay in ciqaabtooda mari doonaan cidii lagu helaa in ay ka dambeesay dilalka shacabka loo geestay.

Hadalka Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa kusoo aadaya xili Muqdisho kusoo bateen dagaalka dhax mara ciidanka dowlada iyo dilal ay shacabka u geestaan ciidanka dowlada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: