Advertisements
Wararka

Real Madrid iyo Manchester City oo ugu badan ciyaartoyda ka qeyb galeysa koobka adduunka…


Koobka ciyaaraha adduunka ee kubada cagta oo lagu qabanayo dalka Ruushka ayaa ka qeyb geli doona 736 ciyaartoy oo matalaya 32 Qaramada dalalka, sida ay sheegeyso tirakoobyada ciyaartoyda ayey ka kala imanayaan 310 kooxood oo ku matala tartanka ugu weyn kubada cagta.

Real Madrid iyo Manchester City ayaa ah ciyaartoyda ugu badan ee tartanka Koobka Adduunka oo midiiba ay ku mataleyso 15 ciyaaryahan.

Kaalinta labaad ayaa ah Barcelona oo ku matalaya 14 ciyaartoy oo ka qeyb qaadan doona Koobka Aduunka iyagoo kala wata calaamadaha Qaramadaha sida Spain, Brazil iyo Argentina.

Tottenham, Chelsea, iyo Paris St Germain ayaa kaalinta 3aad ku jira iyaga oo leh min 12 ciyaaryahan.

Halka kooxaha Juventus, Manchester United iyo Bayern Munich ay wadaagaan kaalinta 4aad iyadoo min 11 ciyaaryahan uga qeyb galeysa koobka adduunka.

Tartanku wuxuu bilaabmayaa Juun 14 wuxuuna soo dhamaan doonaa July 15, iyadoo 64 kulan oo lagu qabanayo 11 magaalo ee dalka Ruushka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: