Advertisements
Wararka

Dooni ka baxday xeebaha Boosaaso oo ku degtay biyaha Yemen oo dad ku dhintay…


Doon siday Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ka baxday magaalada Boosaaso ayaa ku degtay biyaha dalka Yemen, waxaana doontaasi ku dhintay dad badan.

Inta la xaqiijiyay 46-qof oo kamid ahaa dadkii doonta saarnaa ayaa dhintay waxaa sidoo kale nolol iyo geeri lagu la’yahay 16-qof kale oo doonta saarnaa, waxaana dadka doonta ku safrayay tiradooda lagu sheegay ilaa 100-qof.

Hay’ada IOM ee Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in doontan oo ka baxday magaalada Boosaaso ay degtay shalay oo arbaco aheyd, waxaana dadka dhinay 37-kamid ah ahaayeen rag halka 9 kalana ay dumar ahaayeen.

Dalka Yemen ayaa hadda ka jira colaado iyo baahi badan sidaasi ay tahay bil walbo waxaa tahriib ku gaara boqolaal qof oo Itoobiyaan ah kuwaa oo doonaya in Yemen uga sii gudbaan dalka Sacuudiga si ay shaqo iyo nolol ka wanaagsan tii dalkooda uga soo tageen uga helaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: