Advertisements
Wararka

Anthony Bourdain oo laga helay qolka hoteelkiisa asaga oo meyd ah magaalada Strasbourg…


Anthony Bourdain oo 61 jir ah oo ahaa cunto kariye weyn, ayaa laga helay qolka hoteelkiisa asaga oo meyd ah dalka Faransiiska.

CNN ayaa xaqiijisay in xiddiga telefiishanada uu is dilay. sida ay soo warisay wakaalada wararka ee Reuters iyaga oo soo xigtay Saraakiil ayaa sheegay in ay u qaadanayaan dhacdada isdil.

Bayaan ay soo saartay CNN Jimcihi ayaa lagu sheegay “Annagoo aad uga murugeysan, waxaan xaqiijin karnaa geerida saaxiibkeena iyo saaxiibkeena shaqada Anthony Bourdain,”.

Obama iyo Bourdain Vietnam.jpg

Waxay sharaxday in uu joogay magaalada Strasbourg ee Faransiiska si uu ugu duubo xalaqad barnaamijkiisa “Meelaha aan la aqoon”.

Bourdain oo caan ku ahaa shaqada telefiishanka, hadana wuxuu alifi jiray buugaagta wax karinta iyo buugaag kale oo sheekooyin, waxayna ku jiraan liiska buugaagta ugu gadashada badan adduunka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: