Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay kulanka Singapore ka dhacaya…


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka fikirayo in Madaxweyne Kim Jung-un uu ku casumo aqalka cad ee Maraykanka hadii kulanka Singapore ka dhacaya uu si fiican u qabsoomo.

Donald Trump ayaa hadalkan jeediyey kadib kulan uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Trump waxuu sheegay inay jirto suurtogalnimo ah in la dhameeyo colaada labada Kuuriya

Maraykanka iyo xulafadiisa gobolka ayaa doonaya inay arkaan Kuuriyada Waqooyi oo ka tanaasusha hubkeeda nuclearka balse madaxweyne Trump ayaa qiray in taasi ay waqti qaadan karto.

Madaxweyne Trump ayaa cadeeyey in kulanka Kim Jong-un uu noqonayo mid wadahadal saaxiibtinimo ah

Madaxweynaha Maraykanka ayaa intaasi ku daray inay jiraan cunaqabatayn badan oo uu saari karay Kuuriyada Waqooyi, balse rajo weyn laga qabo wadaxaajoodka.

Mar la weydiiyey in Trump uu Kim Jong-un ku casumayo Florida ayaa waxa uu ku jawaabay.

‘Marka hore waxaaan ku kulmaynaa Aqalka Cad, Maxay idinla tahay?’

Ra’iisul wasaaraha Japan ayaa si joogta ula kulmaya madaxweyne Trump tan iyo intii uu Trump xilka qabtay

Shinzo Abe ayaa doonaya in Kuuriyada Waqooyi uu kala hadlo dad Japan u dhashay oo la haysto.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: