Advertisements
Wararka

Tigray-ga Itoobiya oo dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan go’aankii dowlada ee Badme…


Dadka ku nool gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan go’aankii dowladooda ee ku aadanaa in la dhaqangaliyo heshiiskii nabadda ee lagu soo afjaray dagaalkii xuduuda ee kala dhaxeya Eritrea.

Ku dhawaad 6,000 oo ah dadka ku nool xuduuda labada dal ayaa ka qaybgalay dibadbaxyada.

Waxa ay dadkan sheegeen in dadkooda la kala qaybinayo haddii qaar ka mid ah dhulkooda lagu wareejiyo Eritrea.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugnaa dhul ay guddiga xuduudaha ku wareejiyeen dowladda Eritrea.

Tobannaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii muddada labada sano ah ka socday xuduuda labada dal, Dagaalkan ayaa la soo afjaray 18 sano ka hor.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Itoobiya ay shaacisay in dhaqangalinayso warbixintii ay soo saareen guddigii Qaramada Midoobay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: