Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Turkiga oo ballan qaaday in laga aarsan doono go’aanka dowlada Austria…


Madaxweynaha Turkiga ayaa ballan-qadaay in laga aar-goosan doono Go’aanka ay Dowladda Austria ku xirayso Masaajid ku yaalla dalkaasi.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlay magaalladda Istanbuul waxa uu cambaareeyey go’aaanka lagu xiray Masaajidda ku yaalla dalkaasi, iyo qorshaha lagu soo masaafurinayo Imaamyadda ay Turkiga maalgeliyaan.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in laga aar-goosan doono Falka Islaam-nacaybka ee ay Dowladda Austria ku dhaqaaqday, wuxuuna ka digay dagaal u dhexeeya Bisha iyo calaamadda Is-tallowga oo uu ugala jeedo Muslimka iyo Kirishtanaka.

Hadalka Madaxweyne Erdogan ayaa soo baxay, hal maalin kadib, markii ay Dowladda Austria ku dhawaaqday inay masaafurin doonto ilaa 60 Imaam iyo Qoysaskooda iyo in la xiri doono 7 Masjid, taasi oo qeyb ka ah Hawlgalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeereen Islaamka la siyaasadeeyey.

Waddanka Austria waxaa ku nool 600,000 oo Muslimiin, kuwaasi oo badankooda asal ahaan ka soo jeeda dalka Turkiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: