Advertisements
Wararka

Rafael Nadal iyo Simona Halep oo ku guuleystay tartankii Tennis-ka Roland Garros…


Rafael Nadal ayaa ceshan waayey ilmadiisa kadib markii uu ku guuleystay Tenniska Roland Garros ee Faransiiska 2018 markiisii 11 aad kadib markii ciyaar final isku arkeen Dominic Thiem oo u dhashay dalka Austria ahna numbarka 8aad caalamka, waxay ku dhamaatay 6-4, 6-3, 6-2.

Wuxuu Nadal sheegay ciyaarta kadib “marxalad aan la rumeysan karin, 11 jeer ku guuleyso, taasi xataa waxay ka badan tahay riyadeyda”. kol la guddoonsiiyey abaalmarinta garoonka Philippe-Chatrier.

Simona Halep

Dhinca gabdhaha waxaa isla tartankan Roland Garros ku guuleysatay Simona haleb oo dalka Romania u dhalatay oo numbarka koowad ka ah caalamka, kadib markii ay ka badisay Sloane Stephens oo Mareykan ah oo numbarka 10aad ka ah caalamka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: