Advertisements
Wararka

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo booqasho labo maalmood ku tagey dalka Masar…


Ra’isul-wasaare Abi Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay xalay booqasho 2 maalmood ku tageen dalka Masar, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Qaahira, ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataah Al-Sisi.

Afhayeenka Madaxtooyadda Masar, Basaam Raadi ayaa shegay inay Madaxweyne Al-Sisi iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia maanta yeelan doonaan Kulan Rasmi ah oo looga hadlayo Xiriirka Labada Waddan, Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ka dhistay Webiga Nile, iyo Walaaca ay ka qabaan Xaalladaha ka taagan dalalka Somalia, South Sudan iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Dhinaca kale, Ilo ka tirsan Dowladda Ethiopia ayaa sheegay inay Labada Hoggaamiye isla eegi doonaan Ganacsiga, xoojinta xiriirka labada dal, Xiisadaha ka taagan Mandiqadda Geeska Afrika oo ay ugu horreeyaan Xiisadaha ka taagan Somalia iyo South Sudan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Masar iyo Ra’isul-wasaraaha Ethiopia ayaa la filayaa inay galabta Shir Jaraa’id ku qabtaan Madaxtooyadda Qaahira, oo ay ku faahfaahin doonaan Ajendayaasha ay ka wada hadleen.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abi Axmed Cali waa Booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago dalka Masar tan iyo markii uu xilkaasi qabtay bishii April ee sannadkan. 2018-ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: