Advertisements
Wararka

Dab ka kacay bakhaar la dhigay waraaqihii codeynta doorashada Ciraaq…


Dab ka kacay bakhaarka ugu wayn ee la dhigo waraaqaha codaynta doorashada Ciraaq ayaa la xakameeyay, iyadoo lagu baaqayo in dib loo tiriyo.

Codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday deegaanka bari ee magaalada caasimadda ah ee Baqdaad ayaa lagu hayay bakhaarkaas.

Saraakiishu waxay sheegeen in laga yaabo in waraaqaha coddayntu ay ku jireen bakhaarka gubtay balse intooda badan aysan waxba soo gaarin.

Iyada oo bartanka lagaga jiro eedaymo ku saabsan in ay wax isdabomarin dhacday, baarlamaanka wakhtigiisu sii dhamaanayo ayaana amray in dib loo tiriyo ilaa 10 milyan oo cod.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in la xaqiijiyay in dabku uu ka kacay mid ka mid ah labadii bakhaar ee waraaqaha lagu codeeyay ku jireen.

Masuuliyiinta Ciraaq wali kama aysan hadlin in dabka si ula kac ah loo huriyay iyo in kale.

Talaadadiina Ra’iisulwasaaraha Ciraaq Xaydar al Cabaadi ayaa ka digay in laamaha ammaanku ay hayaan caddaymo “aan meeshaba la soo dhiganin” oo ku saabsan rabshado dhacay intii ay codayntu socotay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: