Advertisements
Wararka

Kabtankii hore ee Arsenal Patrick Vieira oo loo magacaabay tababaraha Nice…


Kabtankii hore ee Arsenal Patrick Vieira ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Nice ee French Ligue 1.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester City, Inter Milan iyo Juventus ayaa ku jiray xilli ciyaareedkiisii seddexaad markii uu macalin ka noqday kooxda New York City.

41 jirkaan ayaa loo badinayey inuu bedelo Arsene Wenger ee Arsenal ka hor inta aan la magacaabin Unai Emery.

“Ka tagista New York wuxuu ahaa go’aan aad ugu adag aniga iyo qoyskeyga ma aheyn  mid si fudud aan u qaadanay,” ayuu yiri Vieira.

Nice ayaa ku dhameysatay kaalinta sideedaad ee horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkii hore, iyadoo ka maqan booska Europa League hal dhibic.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: