Advertisements
Wararka

Hogaamiyayaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo is gacan qaaday…


Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii u horreeyay ee Maraykan ah ee isaga oo xil haya la kulma hogaamiye dalka Kuuriyada Waqooyi, arrintan ayaa imanaysa ka dib markii uu kulan la qaatay Kim Jong-un, waana mid aan horray loo filaynin ka dib sannad ay isu goodiyayeen.

Labada mas’uul ayaa isku salaamay huteel qaali ah oo ku yaalla jasiiradda Sentosa ka hor intii aysan wada hadalka billaabin.

Trump ayaa sheegay “in horrumar badan la sameeyay” wuxuuna sheegay in uu dhawaan ka qayb gali doono xafladda kala saxiixashada ee Kim.

Waxay ka wada hadlayaan dabcinta cunaqabataynta iyo baabi’inta hubka nukliyeerka ah.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda waxa labada mas’uul ay kala sixiixan doonaan.

Dadka arrimahan falanqeeya ayaa ku kala duwan waxa shirkan ka soo bixi doona. Dadka qaar waxay u arkaan in kulankani uu yahay guul borobogaando oo uu gaaray Kim, kuwo kalana waxay u arkaan in jidkii nabadda cagta la saaray.

Siday u dhacay arrintan taariikhiga ah
Labadan nin ayaa isku soo dhaqaaqay si saani ah ayayna gacmaha isu luxeen iyaga oo hortaagan calammada Maraykanka iyo kuwa Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa gacantii kale ku taabtay Kim iyaga oo ku taagan roog guduudan erayo kooban ayayna is waydaarsadeen, ka hor inta aysan u jeedsanin dhanka saxaafaddii kulankooda isugu soo arruuray.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa saadaaliyay “in xiriir wanaagsan” uu dhexmari doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Wax yar ka dibna way is hareer fariisteen iyaga oo deganaan ka muuqato kana duwan sidii la filayay, ka hor intii uusan dhex marin kulan aan lagu wehelinin.

“Ma sahlanayn in aan halkan soo gaarno,” ayuu yiri Kim, waxaa jiray caqabado waana ka soo gudubnay,” dhigiisa ayaa markaas ku jawaabay “waa run”.

Labada mas’uul waxaa weheliyay tarjumaanno waxayna wada hadleen ilaa afartan daqiiqo, intaas ka dibna waxaa ku soo biiray ergo kooban oo la taliyeyaal ah iyaga oo ka dibna qado shaqo cunay.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in caalamku uu dhawaan ogaan doono in heshiis dhab ah ay wada gaaraan iyo in kale Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Madaxwayne Trump ayaa qoraal uu soo dhigay barta Tweetarka waxa uu ku sheegay in kulanka heerka shaqaalaha ee u dhaxeeya Washinton iyo Pyongyang uu si wanaagsan u socdo.

Balse Mr Trump ayaa intaa ku daray in waxa muhimka ah ay tahay marka ay howlaha soo gabagaboobaan.

Marka ay Mr Trump iyo Mr Kim wada fariistaan taasi oo ay imika saacado uun ay inaga xigaan waxa ay noqon doontaan mid taariikhi ah.

Waxa ay gali doonaan taariikhda oo waxa ay noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee dhexmara madaxwayne Mareykan ah iyo hogaamiye ka socda Kuuriyada Waqooyi.

Mar sii horeysay, Mr Kim waxa uu saxaafada u sheegay in Singapore ay taariikhda gali doonto haddii ay hogaamiyayaasha heshiis ku gaaraan kulanka.

Mareykanka ayaa doonaya in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasusho hubkeeda niyukleerka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: