Advertisements
Wararka

Madaxweyne Geelle iyo Keating oo ka wada hadlay ammaanka deegaanka Tukaraq…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan looga hadlaayay Ammaanka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaa uu la qaatay wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Micheal Keating ayaa waxaa uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, waxaana sababaha uu u tagay qeyb ka ah sidii Madaxweynaha Jabuuti uu kaga qeyb qaadan lahaa xasilinta gobolka Sool, oo dagaal culus oo ku dhexmaray maamulada Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale Keating waxaa uu uga warbixiyay Madaxweyne Geelle xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isagoo u sheegay inkasta ay jiraan caqabado badan, balse horumaro la sameeyay ay jiraan.

Kulanka labadda mas’uul ayaa waxaa si wayn looga hadlay xiisadda colaadeed ee ka dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, taasoo salka ku haysa maamulka gobolada Sool iyo Sanaag.

Qaramada Midoobey ayaa ku guuldareystay xalinta dagaalka Tukaraq oo ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof oo isugu jira Shacab iyo ciidan.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa wali hawadda iskumarinaya Hanjabaado , waxaana culimadda iyo waxgaradka labada dhinac ay ku guuldareyteen xasilinta Xiisadda Tukaraq.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: