Advertisements
Wararka

Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka XDS oo sheegay inay al-Shabaab ka dileen 80 dagaalyahan…


Taliyaha Guutada 52aad ee Ciidamada Xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal ciidamada dowladdu ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaas.

Jen. Maxamed Axmed (Tredisho) ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ay ciidamada dowladda ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Moqakori ay ku dileen 80 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

“Mudo Afar Bilood ah oo ciidamada Qaranku howlgal ka wadeen degmada Moqakori iyo tuulooyinka hoostaga, iyagoo ka jawaabayey amarkii madaxweynaha,runtii guulo waaweyn ayaan ka gaaarnay,laakiin xeelad dagaal ayaana uga soo baxnay degmada Moqakori” ayuu yiri Taliye Tareedisho.

Taliyaha ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen howlgallo ay ka sameeyeen Gobolka Hiiraan inkastoo degmada Moqakori noqotay mid ay isku bed-bedelaan gacan ku heynteeda Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqijiyana ama beeninaya hadalka Jen. Maxamed Axmed (Tredisho) uu ku sheegay iney al-shabaab ka dileen 80 dagaalyahan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: