Advertisements
Wararka

Taliyaha howlgelinta ciidanka XD oo booqday deegaanka Baar Sanguuni…


Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqasho ku tagay degaanka Baar Sanguuni oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dhawaan ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa tagay sidoo kale degaano dhowr ah oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo,kuwaasoo ay saameeyeen dagaalladii ugu dambeeyay.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Cismaaciil Saxardiid ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta ciidanka goobaha ciidamada xoogga dalka kala waregeen Al-Shabaab.

General Maxamed Sheekh Madoowe Taliyaha ayaa duleedka Degaanka Kaban kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoona sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgalka uu sii socon doono tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha Hogaanka Howlgalinta Ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa Ciidamada Kula dar-daarmay in ay shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan Shacabka in ay yihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaacooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: