Advertisements
Wararka

Bakheylnimada iyo saameynta xun ay ku reebto aadanaha inta uu nool yahay iyo marka…


Bakheylnimada waa wax xun oo cawwaqib xun leh oo saameyn xun ku reeba aadanaha inta uu noolyahay iyo marka uu dhintaba, hadaba Quraanka kariimka waxaa lagu xusay bakheylnimada todobo aayadood oo lix ka mid ah lagu soo qaaday magaca bakheylnimada, shan aayadood oo ka mid ah waa Madani waxay ku soo degeen Madiina waa ال عمران [180], النساء [37], التوبة [76], محمد [37-38], الحديد [24], suurada Makiga oo keliya waa الليل [8], Sidoo kale bakheylka mara ku dhega oo ka daran kan aan kor ku soo sheegay labo meelood ayaa Quraanka lagu xusay sida suuradaha التغابن [16], iyo الحشر [9].

Maxay ku kala gedisan yihiin bakheylka iyo kan mara ku dhega ah, bakheylka waa kan ka bakheyl dadka kale laakin asaga isu roon laakin mara ku dhega waa kan bakheyla dadka kale iyo nafsadiisa.

Wax siismada bakheylka waa uu ku kala duwan yahay wuxuuna u kala baxaa seddax qeybood, qof bixiya su’aal la’aan, qof ku bixiya su’aal iyo sababo macquul ah iyo iyo qof ku bixiya weydiin keliya, laakin mara ku dhega oo ah darajada ugu hooseysa bakheylnimada haddii qof weydiiyo asagaoo sababeynaya iyo sabab la’aanba ma ahan qof qalbigiisa soo dabcayo.

Aayadaha Quraanka ayaa lagu sheegay wuxuu bakheylka la kulmayo dhib aduunyo iyo cadaab maalinta aakhiro waxaa taasi daliid u ah:

{وَأَمَّا مَن بَخِلَ وَاسْتَغْنَى . وَكَذَّبَ بِالْحُسْنَى . فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْعُسْرَى . وَمَا يُغْنِي عَنْهُ مَالُهُ إِذَا تَرَدَّى} [الليل:8-1
وَلَا يَحْسَبَنَّ الَّذِينَ يَبْخَلُونَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ هُوَ خَيْرًا لَهُمْ ۖ بَلْ هُوَ شَرٌّ لَهُمْ ۖ سَيُطَوَّقُونَ مَا بَخِلُوا بِهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ وَلِلَّهِ مِيرَاثُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۗ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ} [آل عمران:180،
وَمِنْهُمْ مَنْ عَاهَدَ اللَّهَ لَئِنْ آَتَانَا مِنْ فَضْلِهِ لَنَصَّدَّقَنَّ وَلَنَكُونَنَّ مِنَ الصَّالِحِينَ . فَلَمَّا آَتَاهُمْ مِنْ فَضْلِهِ بَخِلُوا بِهِ وَتَوَلَّوْا وَهُمْ مُعْرِضُونَ . فَأَعْقَبَهُمْ نِفَاقًا فِي قُلُوبِهِمْ إِلَى يَوْمِ يَلْقَوْنَهُ بِمَا أَخْلَفُوا اللَّهَ مَا وَعَدُوهُ وَبِمَا كَانُوا يَكْذِبُونَ} [التوبة:75-77،
{إِن يَسْأَلْكُمُوهَا فَيُحْفِكُمْ تَبْخَلُوا وَيُخْرِجْ أَضْغَانَكُمْ} [محمد:37].
هَا أَنتُمْ هَٰؤُلَاءِ تُدْعَوْنَ لِتُنفِقُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَمِنكُم مَّن يَبْخَلُ ۖ وَمَن يَبْخَلْ فَإِنَّمَا يَبْخَلُ عَن نَّفْسِهِ ۚ وَاللَّهُ الْغَنِيُّ وَأَنتُمُ الْفُقَرَاءُ ۚ وَإِن تَتَوَلَّوْا يَسْتَبْدِلْ قَوْمًا غَيْرَكُمْ ثُمَّ لَا يَكُونُوا أَمْثَالَكُم} [محمد:38.
{الَّذِينَ يَبْخَلُونَ وَيَأْمُرُونَ النَّاسَ بِالْبُخْلِ وَيَكْتُمُونَ مَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ ۗ وَأَعْتَدْنَا لِلْكَافِرِينَ عَذَابًا مُّهِينًا} [النساء:37]،
{الَّذِينَ يَبْخَلُونَ وَيَأْمُرُونَ النَّاسَ بِالْبُخْلِ ۗ وَمَن يَتَوَلَّ فَإِنَّ اللَّهَ هُوَ الْغَنِيُّ الْحَمِيدُ} [الحديد:24].
الَّذِينَ تَبَوَّءُوا الدَّارَ وَالْإِيمَانَ مِن قَبْلِهِمْ يُحِبُّونَ مَنْ هَاجَرَ إِلَيْهِمْ وَلَا يَجِدُونَ فِي صُدُورِهِمْ حَاجَةً مِّمَّا أُوتُوا وَيُؤْثِرُونَ عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ وَلَوْ كَانَ بِهِمْ خَصَاصَةٌ ۚ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ} [الحشر:9.
{فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ وَاسْمَعُوا وَأَطِيعُوا وَأَنفِقُوا خَيْرًا لِّأَنفُسِكُمْ ۗ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ} [التغابن:16]،

Aayadahan kor ku taxan kuligooda waxay ka hadlayaan bakheylnimada iyo kan mara ku dhega ah, waxaana lagu tilmaamay in nolosha lagu cusleyn doono, aakhirana naarta geli doono haddii wixii Ilaahay siiyey uu wax ka bixin waayo, una bixin waayo jidka toosan.

Kuwa wax bakheyla dadkana fara bakheylnimada xaaladooda dunida iyo tan aakhiro lama mahadin, ha ogaadaan inuu Allah ka xoolo badan yahay.

وقال صلى الله عليه وسلم: «وإِيَّاكُمْ والشُّحَّ ، فإنَّهُ دعا من كان قبلَكُمْ فَسَفَكُوا دِماءَهُمْ، ودعا مَنْ كان قبلَكُمْ فَقَطَّعُوا أَرْحامَهُمْ، ودعا مَنْ كان قبلَكُمْ فَاسْتَحَلُّوا حُرُماتِهمْ» (صحيح الترغيب.
– وقال صلى الله عليه وسلم: «لا يدخل الجنة بخيل ولا خب ولا خائن لا سيئ الملكة» (حسنه الترمذي
وقال صلى الله عليه وسلم: «ثلاث مهلكات…فشح مطاع وهوى متبع وإعجاب المرء بنفسه» (صحيح الترغيب، حكم المحدث: حسن لغيره).
وقال صلى الله عليه وسلم: «مثلُ البخيلِ والمنفقِ، كمثلِ رجلينِ عليهما جُبتانِ منْ حديدٍ، منْ لدنْ ثدييهمَا إلى تراقِيهما، فأَما المنفقُ: فلا ينفقُ شيئًا إلا مادتْ على جلدِهِ، حتى تُجِنَّ بَنانَهُ وتَعفُوَ أثرَهَ. أمَّا البخيلُ: فلا يريدُ إلا لزمتْ كلُّ حلقةٍ موضعَها، فهوَ يوسعُها فلا تتسعُ. ويشيرُ بإصبعهِ إلى حلقِهِ» (صحيح البخاري
وقال صلى الله عليه وسلم: ” «اللهم إني أعوذ بك من البخل وأعوذ بك من الجبن وأعوذ بك أن أرد إلى ارذل العمر» (صحيح النسائي
وقال صلى الله عليه وسلم: «إيَّاكُم والظُّلمَ فإنَّ الظُّلمَ ظلُماتٌ يومَ القيامةِ، والشُّحَّ، فإنَّما أَهْلَكَ مَن كانَ قبلَكُم الشَّحُ أمرَهُم بالكذِبِ فكذَبوا وأمرَهُم بالظُّلمِ فظَلموا وأمرَهُم بالقطيعةِ فقَطَعوا» (تخريج الحنائيات
وقال صلى الله عليه وسلم: «شر ما في الرجل شح هالع وجبن خالع » (صحيح ابن حبان

Dhinaca kale axaadiista Rasuulka SCW iyaduna sidoo kala ayaa looga hadlay dhibaatada bakheylka uu u leeyahay bulshada iyo halka uu ku dambeyn doono.

Rasuulka SCW Allah ayuu ka magan galay bakheylnimada, wuxuu kaloo sheegay in bakheylka uusan jano geli doonin, sidaa darteed halga fogaado bakheylnimada.

Hadda waxaa gebogebo ah bishii barakeysneyd ee Ramadan, ha bixiyo qof walba inta uu awoodo oo sadaqa ah, maalka zakada hala siiyo dadka aan waxba heysan, sidoo kale haloo ciidiyo caruurta dan yarta ah iyo kuwa aqoomanka.

Hala taageero dadka ku barakacay oo waxyeeladu ka soo gaartay dabeylaha iyo biyaha ku fatahay magaalooyinka oo meelihii ay ku noolaayeen eber ka dhigay.

Allaha naga aqbalo soonkeenka iyo salaadeena, iyo camalkii kheyrka ahaa oo aan bishan sameynay, Allah waxaan ka baryayaa inuu soonkan soonkiisa nagu gaarsiiyo, caafimaad iyo nabad, dalkeenana Allah ka saaro dhibaatada heysato.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: