Advertisements
Wararka

Ciidamada isbaheysiga ayaa bilaabay weerar ay ku qabsanayaan dekeda Xudeyda Yemen…


Ciidammo taageero ka haysta Sacuudi Carabiya ayaa weerar ku billaabay dekedda muhiimka ah ee Xudeyda, ka dib markii jabhadaha Xuutiyiinta ah ay iska dhago tireen wakhtigii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay si ay uga baxaan, sida ay wararku sheegayaan.

Ciidammada Yemeniyiinta ah oo taageero ka helaya xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo ayaa hawlgalka billaabay Ammin hore oo Arbacada maanta ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Al-Carabiya.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in masiibo banii’aadan ay dhacdo haddii magaaladaas la weeraro, waxayna sheegeen in ay dhibaato soo gaari karto rubac milyan ruux.

Dekeddaas ayaa ah goobta ugu wayn ee ay ku xirtaan maraakiibta iyo doomaha wada gargaarka Yemen.

In kabdan toddobo milyan oo ku nool dalkaas uu dagaalku ka taagan yahay ayaa ku tirsan cuntada gargaarka ah.

Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo qayb ka ah xulafada ayaa jabhadaha horay ugu qabtay wakhti kama dambays ah si ay uga baxaan ama wajihi doonaan dagaal.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: