Advertisements
Wararka

Dalalka Mareykanka, Mexico iyo Canada oo wadajir u qaban doona ciyaaraha adduunka 2026…

The United2026 bid (Canada-Mexico-US) leader Carlos Cordeiro, president of the United States Football Association, gives a speech during the 68th FIFA Congress at the Expocentre in Moscow on June 13, 2018. / AFP PHOTO / Kirill KUDRYAVTSEV

Dalalka Mareykanka, Mexico iyo canada oo wadajir ah ayaa ku guuleystay martigelinta ciyaaraha adduunka ee 2026 kadib markii ay kula tartantay dalka Morocco.

Congress-ka FIFA oo maanta dhacay ayaa dowladaha wadajira helay 134 cod oo u dhiganta 65%, halka dalka Morocco uu helay 65 cod oo u dhiganta 33%.

Malafka Morocco waxaa dabada ka riixayey qaarada Afrika iyo Carabta, laakin waxay la tartameysay dalal dhaqaale ahaan ka awood badan iyo saameynta ay ku leeyihiin adduunka.

Waxyaabaha yaabka leh ee dhacay waxaa ka mid ah dalka Sacuudiga oo u codeeyey dalalka wadajira halkii uu ka siin lahaa Morocco taasi oo loo arkay mowqifka Morocco ee xiisada khaliijka oo dhexdhexaadka ka noqotay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: