Advertisements
Wararka

Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in cunaqabateynta laga qaadi doono…


Wakaalada Wararka Waqooyiga Kuuriya ee KCNA ayaa sheegtay in Madaxweyne Trump oggolaaday in cunaqabateynta laga qaado dalkaasi, kadib, markii ay isaga iyo Kim Jong Un ku kulmeen dalka Singapore.

Wakaalladdu waxay xustay inuu Madaxweyne Donald hadalkaasi sheegay kadib markii uu ku dhawaaqay inay Maraykanka joojin doonaan dhoolatuska Milliteri ee ay sida wadajirka ula sameeyaan Milliteriga Koonfurta Kuurya.

Dowladda Maraykanka weli kama aysan hadlin arrinta ku saabsan in dalka Waqooyiga Kuuriya laga qaadayo Cunaqabataynta.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Waqooyiga iyo Madaxweynaha Maraykanka waxa uu mid kasta kan kale ku casuumay inuu soo booqdo dalkiisa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: