Advertisements
Wararka

Taliyaaniga iyo Faransiiska oo isku maan dhaafsan markabka muhaajiriinta ee taagan…


Ra’iisul wasaaraha dalka Taliyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeyn uga timid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron,

Macaron ayaa dhaleeceeyay Taliyaaniga ka dib markii ay diideen in dalkoda uu ku soo xirto Markab siday muhaajiriin laga soo badbaadiyay bada Mediterranean-ka.

Af-hayeen u hadlay madaxwayne Macron ayaa sheegay in go’aanka Taliyaaniga uu yahay mid xushmad darro ah islamarkana qayrul masuulnimo ah.

Balse Mr Conte ayaa sheegay in Taliyaaniga uusan aqbali Karin casharo munaafuqnimo oo ka yimid dalal mar waliba door bidi jiray in ay dhabarka u jeediyaan soogalootiga.

Markabkani lagu magacaabo Aquarius, ayaa wali ay arrintiisu taagan tahay iyada oo ay jirto in dowladda Spain ay ogolaatay in uu ku soo xirto dekadda magaalada Valencia.

Shaqaalaha markabkani ayaa waxa ay sheegeen in markabkani uusan gali Karin saddex maalmood oo safar ah iyada oo ay dad badan saaran yihiin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: