Advertisements
Wararka

Afar askari ayaa looga dilay Ciidamada Imaaraatka ee ka dagaalamaya dalka Yemen…


Afar askari oo ka mid ah ciidamada Imaaraatka ee ka dagaalamaya dalka Yemen ayaa lagu diley dagaal ka dhacay magaalada dekeda ee Xudeyda.

Taliyaha guud ee ciidamada Imaaraatka ayaa xaqiijiyay in askartan la diley xilli ay ka dhinac dagaalamayeen ciidamada huwanta ee taageerta dowlada wadanka Yemen.

Ciidamada huwanta ayaa weerar isugu jira duqeyn xagga cirka ah iyo weerar dhulka ah ku qaaday magaalaa saddexaad ee ugu weyn dalka Yemen ee Xudeyda taasoo ay ku taal deked muhiim u ahayd kooxda Xuutiyiinta ee ay dowlada Iran taageerto.

Bishii September 2015 ayaa waxaa lagu diley 45 askari oo u dhashay dalka Imaaraatka wadanka yemen kadib markii uu gantaal ku dhacay baqaar ay ku xareysnaayeen rasaas iyo waxyaalaha qarxa.

Dekeda Xudeyda ee ku taal badda cas ayaa ah dekeda kaliya ee ay kooxda Xuutiyiintu maamulaan waxana ay dhinaca KoofurGalbeed kaga beegan tahay 150km caasimada Yemen ee Sanca.

Sida uu baahiya taleefishinka Al Arabiya ee xaruntiisu tahay wadanka Imaaraatka ciidamada Yemen ayaa qabsaday degmada dhinaca koonfur ku taal ee Nekheila.

Dekeda Xudeyda ayaa ah marin muhiim ah oo cuntada looga soo dejiyo dalka Yemen iyadoo malaayiin ruuxna ay qarka u saaran yihiin macluul, sidoo kale kooxda Xuutiyinta oo taageero ka hesha dalka Iran ayaa waxaa uga soo dega dekadaas hubka noocyadiisa kala duwan haddii ay ka baxdo gacanta Xuutiyiintana waxaa ay wax ka bedeli kartaa awooda dalka Yemen ee kooxaha ku dagaalamaya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: