Advertisements
Wararka

Caruur ku geeriyootay dab xalay ka kacay xero barakacayaal degmada Wadajir…


Illaa saddex carruur oo walaalo ah ayaa ku geeriyooday dab xalay ka kacay xero barakacayaal oo ku taal degmada Wadajir, kuna dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dabkan ayaa ka dhashay walxo baaruud ah oo ay carruur ku ciyaarayeen, waxaana uu qabsaday koronto, taasoo dhalisay dabka.

Guryaha uu qabsaday dabka ayaa ahaa guryaha ka sameysan cooshado iyo jiingado, waxaana ku baaba’ay illaa sagaal guri.

Maryan Axmed Faroole oo ah hooyada dhashay saddexda carruur ee dabka ku dhintay ayaa sheegtay in wax yar kaddib markii carruurteeda ay seexisay, isla markana aaday banaanka guriga uu dabka kacay.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii dab ka kacay xaafado ka tirsan Muqdisho ay sababeen khasaarooyin hantiyadeed iyo burbur, waxaana la waayay meel ay u maraan baabuurta dab damiska, maadaama inta badan waddooyinka Muqdisho la xiray.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4054 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: