Advertisements
Wararka

Qaranka Ruusha oo 5-0 ku suul daaray Qaranka Sacuudiga ciyaartii furitaanka…


Waxaa goor dhoweyd soo gebagebowday ciyaartii ugu horeysay ee tartanka kubada cagta ee koobka adduunka, iyada oo lagu furay kooxaha kubadda Cagta dalalka Russia iyo Saudi Arabia.

Waxaa ciyaarta daawanayey madaxweyne Vladimir Putin, iyo martida ka qeyb gashay munaasibada furitaanka tartanka oo ka mid ahaa dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Mohamed bin Salman iyada oo lagu qabtay ciyaartii ugu horeysay garoonka Luzhniki Stadium oo ku yaalla magaalada Moscow.

Ciyaartii Ruushka iyo Sacuudiga ayaa ku dhamaatay 5-0, waxaa loo awood sheegtay sida runta ah kooxda Sacuudiga oo aan ciyaar xiisa leh la iman meesha.

Ruushka ayaa ku bixiyey qabashada koobka adduunka 13 bilyan oo dollar, ayada oo kulmada ay ka dhacayaan 11 magaalo oo marti-gelinaya.

Kulmada is-aragga hore ayaa soconaya illaa 28-ka June, halka kuwa is reereebka ay ay billaabanayaan 30-ka June. Cayaarta kama dambeysta ah ayaa dhaceysa 15-ka July.

Brazil, France, Spain, Argentina iyo dalka koobka difaacanaya ee Germany ayaa ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo in ay koobka hantaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: