Advertisements
Wararka

Kelinimada ama doobnimada oo qofkiisa halis ugu jira cudurada wadnaha…


Kali ahaanshaha ama doobnimada ayaa qofkiisa halis ugu jira cudurka wadno xanuunka markii loo barbar dhigo kuwa is qaba “Sidaas waxa muujiyay cilmi baarayaal oo daraasad lagu daabacay wargeyska ” qalbi “,faafiyey, waxay adkeeyeen in heerka dhimashada ee dadka keligood ah ay ka badan tahay kuwa nolosha ka dhaxeysa.

Baadhitaanka ayaa sidoo kale wuxuu sheegayaa dadka shuraakada ah ay isku tiirsan yihiin midba midka kale si ay u ilaaliyan caafimaadkooda iyaga oo fiiro gaar ah u leh cuntadooda iyo iyagaoo iska caawiyo ka fogaashaha dabeecadaha aan caafimaaka laheyn, sidoo kale waxaa u dheer taageero niyadeed oo u dhaxeysa.

Sida laga soo xigtay wargeyska Newsweek oo wararkan daabacay in daraasadan ku saleysan tahay falanqeynta 34 baaritaan oo ay ka qeyb galeen labo milyan oo qof, ayaa waxaa lagu ogaaday kuwa aan guursan weligood ay la il darnaayeen cudurada wadnaha taasi oo ka badneyd kuwa is qaba.

Daraasaddu ayaa waxay ku dartay in labada isqabta ay iska caawiyaan musiibada nolosha, taasi waxay ka dheereyneysaa dhibaatooyinka cadaadiska dhiiga oo sarreeyo, haweenta ayaa awooda in ay badbaadiso nolosha ninkeeda, waayo waxay arkeysaa isbedelada dhinaca caafimaadka si ka badan qofka kale.

Baadhitaanka ayaa sidoo kale muujiyey in furiinka uu laban laabo halista cudurka wadnaha, halka uu midkooda ku sababi karo dhimasho iyada oo wareer gala garaaca wadnaha labada dhinacba.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: