Advertisements
Wararka

Hay’ad ka shaqeysa horumarinta Tacliinta oo soo saartay liiska 10ka Jaamacadood ee ugu…


Hay’ada Quacquarelli Symonds oo ka shaqeysa horumarinta tacliinta ayaa soo saartay liiska 10ka jaamacadood ee ugu wanaagsan adduunka, waxaa kaalinta koowaad xafidatay Machadka Massachusetts ee Technologiyada markii todobaad oo xiriir ah, tobanka jaamacadood waxaa kala qeybsaday Mareykanka, Ingriiska iyo Switzerland.

Hay’ada British-ka ee Quacquarelli Symonds ayaa ku qiimeysa waxbarashada sanad walba sumcada taclimeed, sumcada barayaasha jaamacada, saamiga ardada awooda inay wax dhigi karaan iyo sidoo kale sumcada ay ku leedahay caalamka, sallaanka ugu dambeeya waa boqol darajo, iyadoo Machadka Massachusetts ee Technolgy-yada ay qaadatay boqolka darajo.

Halkan hoose ka aqriso tobonka jaamacadood ee ugu muhimsan adduunka:

  1. Machadka Massachusetts ee Teknoolajiyada, Mareykanka

  2. Jaamacadda Stanford, Maraykanka

  3. Jaamacadda Harvard, Maraykanka

  4. Machadka Teknolojiyada California, Maraykanka

  5. Jaamacadda Oxford, UK

  6. Jaamacadda Cambridge, UK

  7. Machadka Federaalka ee Farsamada Swiss, Switzerland

  8. London Imperial College, UK

  9. Jaamacadda Chicago, Maraykanka

  10. Jaamacadda London University, UK

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: