Advertisements
Wararka

Ergeyga gaarka ee QM Somalia oo warqad kulul u diray madaxwynaha maamulka Somaliland…


Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa warqad karbaash iyo canaan isugu jirta u diray madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi taas oo khuseysa weerarkii ay ciidamadiisu ku qaadeen deegaanka Tukaraq.

Warqadda canaanta ah ee uu Micheal Keating u qoray Muuse Biixi ayaa u muuqatay mid uu kaga jawaabayay warqad “cabasho” ah oo uu madaxweyne Muuse Biixi u qoray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterras taas oo ku aadaneyd qaabkii xafiiska Qaramada Midoobay ee gudaha Soomaaliya uga warbixiyeen dagaalka Tukaraq iyo khasaarooyinka naf, maal iyo barakac ee ka dhashay kuwaas oo uu madaxweyne Muuse Biixi iyo maamulkiisuba u arkeen kuwo laga bad-badiyay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterras ayaa ku amray Micheal Keating in uu warqadaasi uga jawaabo Muuse Biixi, waana tan dhalisay in si siyaasadeysan loogu canaanto, looguna karbaasho warqadaasi.

Sida ka muuqata warqadda uu Micheal Keating u diray Muuse Biixi ayaa waxaa ugu horreyn lagu wargeliyay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterras uu aad uga niyad-jabay, ugana xunyahay in xilli lagu jiro in nabad laga dhex dhaliyo, la isuna soo dhaweeyo soomaalida in ciidankiisa oo loogu talo-galay in amniga iyo kala dambeynta “somaliland” lagu ilaaliyo uu u adeegsado dagaal dhaliyay dhimasho iyo barakac baahsan.

Waxa uu sheegay in xogahaye Guterras uu ku boorrinayo in labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ay u hoggaansamaan afartii qodob ee uu usoo bandhigay kuwaas oo lagu daminayo colaadda Tukaraq.

Madaxweyne Muuse Biixi oo mar walba oo uu ka hadlayo colaadda Tukaraq ka dhiga mid u dhaxeysa isaga iyo dowladda Soomaaliya ayuu Micheal Keating arrinkaasi gaashaanka u daruuray, waxaana mar uu ka hadlayay soo-hadal-qaadka “Somaliland” ee Muuse Bixii ku yiri warqadda-

” Xoghayaha Qaramada Midoobay mudane Guterras waxa uu kaaga digayaa in ay jiraan shuruuc caalami ah oo uu adduunku raaco marka laga hadlayo xad ama dhul dal uu leeyahay, islamarkaana caalamku uu aqoonsan yahay, sidaas daraadeed waxaan kugu boorrinayaa in haddii ay jiraan muran noocaas ah aad kala hadasho dowladda Soomaaliya”.

Madaxweyne Muuse Biixi kadib markii uu warqadaasi ka helay Micheal Keating ayuu mar labaad warqad cabasho ah waxa uu ka gudbiyay Micheal Keating taas oo uu u diray isla xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterras.

Warqadaasi ayuu madaxweyne Muuse Biixi waxa uu kaga cabanayaa Micheal Keating taas oo uu ku sheegay in aysan ku faraxsaneyn warqadda jawaabta ah ee uu ka helay Micheal Keating oo uu dhinac ka yahay “Somaliland” islamarkaana uusan dhex-dhexaad aheyn.

Waxa uu ka codsaday mr. Guterras in uu soo farogeliyo arrintan islamarkaana awoodiisa xafiiseed uu u adeegsado si looga hortago waxa uu ugu yeeray “musiibo” ay dhibanayaashu noqdaan soomaalida.

Warqada ergeyga gaarka ee QM Somalia ee uu u diray Muuse Biixi:

warqadUN

Warqadii labaad ee Muuse Biixi:

warqadmuse1.jpg

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: