Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Turkiga ayaa iclaamiyey inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo…


Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa iclaamiyey inuu ku guuleystay doorashadii shacbiga Turkiga ay u dareereen saaka oo Axad aheyd oo ay ku dooranayeen madaxweyne iyo xubnaha baarlamaanka, wuxuuna helay 52%, halka murashaxa ugu soo dhow helay 31%, dadka ka qeybgalay doorashada ayaa ku dhow 90%.

Khudbad uu shacbiga u jeediyey guushiisa kadib ayuu ka hadlay arrimo fara badan oo khuseeya Turkey, iyo hadaladii kululaa ee dhex maray axsaabta inta ay ku jireen ololaha doorashada ayaa sheegay in laga fiyoobaado horeyna loo socdo, lana dhaqaajiyo turkida cusub.

Qaar ka mid ah Madaxda caalamka ayaa bilaabay inay u hambalyeeyaan madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaana madaxdii ugu horeysay ee hambalyada u dirtay ka mida Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Hamad, Hoggaamiyaha Falastiin Maxuud Cabbaas, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi farmaajo iyo madax kale.

Taageerayaasha madaxweynaha dib loo doortay ayaa bilaabay dabaaldegyo ay ku soo dhoweynayaan guusha hogaamiyahooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: