Advertisements
Wararka

Mohamed Salah oo la guddoonsiiyey dhalasho sharafeed ee Chechnya…


Hoggaamiyaha dalka Jejnia Ramzan Kadyrov ayaa ku dhawaaqay in ciyaartooyda Liverpool Maxamed Saalax la siiyay jinsiyad sharafeed.

Salaax ayaa ku sugan dalka Ruushka, halkaas oo uu kaga qeybgalayo koobka kubadda adduunka, goobta tabobarkiisana waa magaalada Grozny ee caasimadda jamhuuriyadan Ruushka ka tirsan ee Jejnia.

Mar sii horeysay ayay kulmeen Salaax iyo Kadyrov oo lagu eedeeyay in uu ciyaartooyga u isticmaalayo ujeeddooyin siyaasadeed.

Kooxda Masar ayaa wajihi doonta Sucuudiga kulankii ugu dambeeyey.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: