Advertisements
Wararka

Uganda oo maanta ka hirgalay sharcigii canshuuraha ee baraha bulshada…


Uganda ayaa maanta oo Axad ah ka bilaabmay sharci canshuur dheeraad ah loogu soo rogayo isticmaalka baraha bulshada kaasi oo keenay khilaafyo muran badan dhaliyay.

Waxaa laga qaadi doonaa 5 cent dollar canshuurta maalintii kuwa isticmaala App-ka baraha bulshada sida Facebook, WhatsApp, Viber iyo Twitter.

Xukuumadda ayaa sheegtay in lacagta loo isticmaali doono hagaajinta adeegyada dadweynaha.

Shirkadaha ugu weyn ee telecom-ka Uganda ayaa xaqiijiyey in ay macaamiishooda weydiin doonaan in ay bixiyaan canshuurta dowlada inta aynan furin barahooda bulshada.

Baarlamaanka dalka Uganda ayaa ogolaaday, bishii la soo dhaafay, sharci cusub oo ku soo rogaya canshuur cusub oo ku saabsan adeegyada isgaarsiinta dheeraadka ah ee shabakadaha ku lugta leh isticmaalka baraha bulshada sida WhatsApp, Facebook, Twitter, Google hangouts, Yahoo messenger, Instagram, Youtube, Skype iyo goobaha kale.

Waxaa la filayaa in canshuurtan ay dhaqan gali doonto sanadka maaliyadeed 2018-2019, taas oo qof walba oo isticmaali bixin doono 200 oo shilinka Uganda maalintiiba.

Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni ayaa ku booriyay in la qaado canshuurta, isaga oo sheegay in warbaahinta bulshada ay “dhiira galiso xanta iyo isku dirka.”

Dadka naqdiya sharcigan ayaa ku sheegay in ay tahay talaabo kale oo lagu xakameynayo xorriyada hadalka. (Isticmaalka internetka ayaa aad ugu caansan Uganda, laakiin isticmaalka internetku waa qaali marka loo eego dakhliga dadka oo hooseeya).

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: