Advertisements
Wararka

Caruur lagu la’aa god dalka Thailand oo la helay iyaga oo nool oo badqaba…


Kooxaha samata bixinta ayaa ku hawlan sidii ay 12 wiil iyo tababarahoodii kubadda cagta u soo saari lahaayeen, kuwaas oo la helay ayagoo nool oo ku dhex jira bohol ay biyo ka buuxaan, dalka Thailand.

Muddo 9 maalmood ah ayaa la la’aa, waxaana muuqaallo fiidiyoow ah oo laga soo duubay ay muujinayaan iyagoo nool oo bedqaba kadib markii ay quusayaal British ah la kulmeen carruurtaas oo diif ay ka muuqatay, kuwaasoo ku sugnaa meel qallalan laakiinse ay biyo ku hareereysnayeen.

Cunto iyo dawo ayaa loo qaaday.

Kooxaha samata bixinta ayaa iminka go’aan ka gaaraya in ay kooxdaas soo dhex mariyaan marinnada ay biyuhu ka buuxaan, ayadoo la isticmaalayo qalabka quusidda, ama ay sugaan ilaa inta ay tabartooda uga soo noqonayso oo biyahana dibadda loo soo bam garaynayo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: