Advertisements
Wararka

Dagaal la isku gabal dhacsaday oo ka dhacay buundada Araare ee Jubbada Hoose…


Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dagaal la isku gabal dhacsaday oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Buundada Araare oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Jubbaland oo waday hawlgal sahmin ah ay Buundada Araare weerar dhabagal ah kagala kulmeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Ilo xog ogaal ah oo soo xiganaya Saraakiil Millatari ayaa waxa ay sheegeen ciidanka Jubbaland ee weerarka lala eegtay inay ka baxeen deegaanka Baar-sanguuni, ayna wadeen sahmin ku saabsan in sahay lala gaari karo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland oo ku sugan deegaano ku dhaw degmada Jillib.

Dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo tiro ahaan kor u dhaafaya 200 oo nin ayaa ciidankan markii ay marayeen Buundada Araare ku bilaabay weerar culus, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac dhexmaray.

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland oo weerarkan si kooban uga hadlay ayaa waxa ay sheegeen inuu jiro khasaare labada dhinac ah oo dagaalkan ka dhashay, balse aanay hadda faahfaahin karin, waxay kaloo tilmaameen in ciidamo gurmad ah ay u direen Buundada Araare oo dagaalka xoogiisa uu ka dhacay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, maadaama xilli casir liiq ah ay aheyd ayna adag tahay isgaarsiinta degaankaas, balse waxaa la sheegay dagaalka inuu ahaa mid geystay khasaare badan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: