Advertisements
Wararka

Wasiirka arrimaha dibada Somalia oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Imaaraatka…


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraatka u fadhiya Somalia danjire Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamadi.

Waxaa kulanka looga hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dal, waxaana jiray qodobo kala duwan oo laga hadlay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen sidii Imaaraatka Carabta u dardar gelin lahaa taageerada uu Soomaaliya siiyo loona wanaajin lahaa xiriirka labada dal.

Sawirada kulankan Safiirka iyo Wasiirka ayaa lagu baahiyey bogga Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia inkastoo aan lagu soo qorin faahfaahinta kulankan.

Safiirka Dowladda Imaaraatka u fadhiya Somalia danjire Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamadi oo mudooyinkan dhaqdhaqaaqiisu aad u yaraa ayaa lagu arkay isagoo madaxda sare ee dowlada kala qeyb galaya dabaaldeg lagu maamuusayey 1-da Luulyo oo ka dhacay garoonka Konis Stadium labo cisho ka hor.

Dowlada Itoobiya oo galangal ku leh arrimaha Somalia ayaa mudooyinkan ka dhex waday labada dowladood wadahadalo iyo dedaalo diblomaasiyaadeed oo lagu xalinayo mugdiga soo kala dhex galay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: