Advertisements
Wararka

Dumarka ka yar 40 sano waxay ninkooda mustaqbalka ku doortaan heerka tacliinta…


Daraasad cusub ayaa tilmantay dumarka ka yar 40 sano inay ninkooda mustaqbalka ay ku doortaan heerka waxbarashadiisa taasi ayaa u ah miisaan rasmi ah ee doorashadooda.

Daraasadan, oo lagu daabacay joornaalka “cilmi-nafsi” oo ku takhasusay cilmiga ee Jaamacadda Queensland Technology ee Australia ayaa sheegtay in haweenku tixgeliyaan heerka aqooneed ee ninka mustaqbalka.

In ka badan 41,000 oo qof ayaa ka qaybgalay daraasadda, kormeeraha Stephen White ayaa xaqiijiyay in cilmi-baaristu si cad u muujinayso farqiga u dhexeeya ragga iyo dumarku marka ay door bidaan raadinta lamaane.

Sida laga soo xigtay White, baadhitaanku wuxuu sheegay in raga da’doodu ka yar tahay 40 jir ay noqdaan kuwo ka doorbidaya dumarka marka la eego heerka waxbarashada ee lamaanaha nolosha.

Dhinaca kale khubarada cilmi baarista ee Australia ayaa sheegey in horumarka dunida ka dhigay haween badan in ay ku adag yihiin waxa ku saabsan su’aasha doorashada lamaanaha nolosha ee dhaqamada badan.

Haweenka ayaa u arka heerka tacliinta ay tilmaameyso tayada nolosha, waayo waxay ku xiran tahay xaalada bulsho iyo dhug badanida, sida ay qabto daraasadan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: