Advertisements
Wararka

M/weynaha Somalia oo casho sharaf u sameeyey guddigii qaban-qaabada munaasabadihii…


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay waxa uu xarunta madaxtooyada ugu sameeyay casho sharaf guddigii qaban-qaabada munaasabadihii 26ka Juunyo iyo 1-da Luuliyo.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban oo mahadnaq ah goobta ka jeediyay ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay Guddiga Qabanqaabada, oo uu hormuud u ahaa wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Daahir Maxamuud Geelle, sidii habsamida lahayd ee ay uga soo dhalaaleen hawlihii loo igmaday.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay jiraan shakhsiyaad Soomaaliyeed oo naftooda u huray sidii ay u ilaalin lahaayeen taariikhda umadda Soomaaliyeed kuwaas oo mudan in mar walba la xuso si jiilka dambe ay u helaan dad ay kaga daydaan waddaniyadda iyo dal jacaylka.

Madaxweynaha ayaa xusay saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo badbaadiyay dukumintiyadii yaallay xarumihii dowladda ee ay ka tirsanaayeen, wuxuuna ku sifeeyay saraakiishan in ay tusaale nool u yihiin waddaniyiin badan oo dhiig iyo dhaqaale usoo huray badbaadinta dalka.

Saraakiishan oo kala ah G/ Sare Jaamac Cilmi (Timir) oo badbaadiyay kaydka Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/ Sare Abshir Xaashi Cali oo gacanta ku hayay kaydka heesaha ee Radio Muqdisho iyo Dhamme Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi Dheere) oo isna ilaaliyay dukumintiyadii muhiimka ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dallacsiiyay min hal darajo.

“Saddexdan sarkaal waxaa ay qabteen in ay xafidaan taariikhda Soomaaliya oo ay ilaaliyaan sharafka iyo qarannimada Soomaaliyeed, xitaa in ay naftooda u huraan. waa mahad-sanyihiin, mana idin ilaawi doonno, qarankuna waa idiin abaal gudi doonaa” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cashadan mahadnaqa ah ee uu Madaxweynuhu u sameeyay Guddigii Qaban-qaabada maalmaha xorriyadda waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, xubnaha Guddiga Qabanqaabada, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida, Hobollada Waaberi iyo Horseed iyo marti sharaf kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: