Advertisements
Wararka

Ronaldo oo la sheegayo inuu ka tagayo Real Madrid kuna sii jeedo Juventus…


War ayaa soo baxaya Si lama filaan ah oo aan horudhac laheyn oo ka soo baxaya Spain iyo Italy, hadalka ku saabsan u wareegida xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ee Juventus, iyada oo la sheegay naadiga boqortooyada in ay ogolaadeen, xataa la ogaaday qiimaha heshiiska.

Barnaamij TV-ga Spain oo caan ah ayaa sheegay in Real Madrid ogolaatay iibka Ronaldo ee naadiga marwada cajuusada qiimo dhan boqol milyan euro oo u dhiganta ($ 120 million).

Barnaamijku wuxuu intaa ku daray in Qandaraaska Ronaldo uu dhacayo 2022 intii intaasi uu qaadan doono soddon million euros sanad walba.

Dhinaca kale, wararka saxaafadda Talyaaniga ayaa Talaadadii tilmaamay in xiriirka ka dhexeeya Ronaldo iyo kooxdiisa uu marayo xaaladihii ugu xumaa, Arrintaasi waxay ka geysan kartaa in ciyaaryahanka ku biiro kooxda Juventus, kuwaasi oo doonaya in ay la soo wareegaan.

Wargeyska “Tuttosport” ee ka soo baxa Talyaaniga ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac uu ka digayo in ciyaaryahanka faarujiyo Bernabeu.

Wargeyska ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulka Bianconeri ay dooneyso inay ka faa’ideysato xiriirka xoog leh ee kala dhaxeeya wakiilka Ronaldo ee Bjorge Mendes si loo dhameystiro heshiiska.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: