Advertisements
Wararka

Baarlamaanka Yurub oo ugu baaqay Imaaraatka in ay ixtiraamto madaxbanaanida…


Baarlamaanka Yurub ayaa ugu baaqay dowlada Imaaraatka Carabta in ay joojiso ficil kasta oo halis gelin kara xasiloonida Somalia iyo in ay ixtiraamto madaxbanaanida iyo midnimada dhulkeeda.

Baarlamaanka ayaa qaraarkiisa ku cabiray walaaca ay ka qabaan faragelinta Imaaraatka iyo Sacuudiga ee Somalia, waxay iftiimiyeen in Somalia ay isku deyday in ay ka ahaato dhexdhexaad xiisada ka jirta Khaliijka, laakin taasi waxay u keentay in laga joojiyo gargaarkii ay bixin jireen Sacuudiga iyo Imaaraatka.

Qaraarka Yurub ayaa intaa ku daray in joojinta gargaarka ay tabar daro u keentay awoodii xukuumada Somalia ay ku bixin laheyd mushaarka ciidamada ammaanka.

Dhinaca kale Laba bilood ka hor ayaa waxaa ku kulmay danjirayaasha Midowga Yurub ee u fadhiya dalalka geeska Afrika magaalada Entebbe ee dalka Uganda waxay halkaasi ku xuseen walaacooda farogelinta dowladaha Khaliijka arrimaha Somalia, gaar ahaan Imaaraatka taas oo ciidan faragelin ah geysay xeebaha geeska Africa iyo sidoo kale maalgashi oo ka qeyb qaadatay in ay kordhaan khilaafka u dhaxeeya siyaasiyiinta Soomaalida, taasi oo keentay in uu kor u kaco hardanka siyaasada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: