Advertisements
Wararka

Dowlada Itoobiya oo shaqada ka ceyrisay taliyayaal ka tirsanaa xabsiyada dalkaasi…


Dowladda Itoobiya ayaa shaqada ka ceyrisay shanta taliye ee ugu sarrayso xabsiyada dalkaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu shantaasi sarkaal uu ku baddalay saraakiil cusub oo hoggaamin doono maamulka xabsiyada Itoobiya.

General Berhanu Tsegaye wuxuu sheegay in saraakiisha shaqada laga tiray ay gabeen shaqadooda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya wuxuu sheegay in maxaabiista aysan helin daryeel islamarkaasna xuquuqda aadanaha aan laga qaddarin xabsiyada Itoobiya.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah isbedelada uu dalkaas ka wado Ra’isul wasaare Abiy Axmed kuwaasoo lagu sameynayey siyaasadaha dowlada Itoobiya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: