Advertisements
Wararka

Boombale la buufiyey oo loo ekeysiiyey Trump oo cunug ah oo lagu duulinayo London…


Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa ansixiyay qorshe la doonayo in lagu duuliyo London dusheeya boombale la buufiyay oo loo ekeeysiiyay Madaxweyne Maraykanka Donald Trump oo cunug ah.

Dadka sameeyay boombalaha ayaa sheegay in Trump uu yahay sidii ilmo kibir badan, oo sameeya waxyaabo la yaab leh.

Waxa ay doonayaan in ay magaalada London dul mariyaan buufinka, kaas oo ay kaga baxday lacag dhan £18,000.

Trump oo caruur ah (ANDREW AITCHISON)

Buufinka waxaa lagu shubay maadada helium, taas oo la dul marin doono magaalada London xiliga uu Trump booqashada ku tagayo magaaladaas.

Hoggaamiyaha xisbiga afkaarta adag ee UKIP Nigel Farage ayaa sheegay in buufintan ay tahay “aflagaadadii ugu weyneyd ee loo geysto madaxweyne Maraykan ah”.

Muddo 2 saacadood ah ayuu dul haadi doonaa magaalada London 13-ka bisha July oo ku beegan xilliga booqashada Trump ee London.

Leo Murray oo fikradda soo curiyay ayaa sheegay in Trump uu necebyahay marka dadka ku maadsadaan.

Xafiiska duqa London ayaa ansixiyay qorshahan kadib markii ay u arkeen wax lagu maadsado.

Wax ka badan 100 kun oo qof ayaa saxiixday codsi ah in buufinka loo ogolaado in hawada lagu siidaayo.

Waxaa jira qorshe kale oo ah in buufinta la geeyo meelo kale oo adduunka ka mid ah, gaar ahaan meelaha uu Trump booqdo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: