Advertisements
Wararka

M/weynaha FIFA Gianni Infantino ayaa ku casuumay caruurta ku xaniban godka Thailand…


Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Caalamiga ah ee (FIFA) Gianni Infantino ayaa u gudbiyey casuumad caruurta ku xaniban godka dalka Thailand si ay uga qeyb galaan finalka tartanka koobka adduunka ee Russia 15ka July.

Inkasta oo aan weli la garaneyn waxa ay ku dambeyn doonaan caruurtaasi, hadana Infantino ayaa ku martigeliyey caruurtaasi ka qeyb galka finalka koobka adduunka, iyaga oo loo fidinayo taageero iyo midnimo caruurtaasi oo ahaa koox kubada cagta ah.

Warqad uu Infantino u diray madaxa xiriirka kubada cagta ee Thailand ayaa ku sheegay ” Haddi caruurta qoysaskooda dib ula midoobaan maalmaha soo socda waa sida aan rajeynayee isla markaasina caafimaadkooda uu wanaagsan yahay oo u ogolaan karo in ay safraan, FIFA waxay ku faraxsan tahay in ay ku casuunto ka qeyb galka finalka koobka adduunka, waxaan rajeynayaa in ay kari doonaan in ay nagu soo biiran daawashada ciyaarta finalka iyo xaflada xiritaanka, taasi oo noqon doonta fursad aad u weyn oo ay dabaaldegaan”.

Dhinaca kale kooxaha samatabixinta ayaa la dagaalaya waqtiga si ay u soo saaraan caruurtaasi iyo tababarahooda, kadib markii halkaasi ku xanibnaayeen muddo 13 maalmood ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: