Advertisements
Wararka

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka oo u kicitimay dalka Kuuriyada Waqooyi…

WASHINGTON, DC - APRIL 12: Secretary of State nominee Mike Pompeo speaks during his confirmation hearing before a Senate Foreign Relations Committee on Capitol Hill, on April 12, 2018 in Washington, DC. President Trump nominated Pompeo to replace Rex Tillerson as Secretary of State. (Photo by Mark Wilson/Getty Images)

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Khamiistii u kicitimay Kuuriyada Waqooyi isagoo halkaasi ku gali doona wada-hadallo ku saabsan soo afjarista Hubka Nuclear-ka Pyongyang.

Arinkan ayaa daba jooga qiimeyn Heya’adda Mukhaabaraadka Mareykanku ay sameysay taasoo lagu ogaadey in Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu sii wado horumarinta Barnaamijkiisa Nuclear-ka.

Pompeo, oo uu direy Madaxweyne Trump si uu u soo indho-indheeyo heshiikii ay Singapore ku gaareen isaga iyo Kim, ayaa la filayaa inuu Pyngyang gaaro Jimcahan maanta ah.

Socdaalka Mike Pompeo ayaa ah kii Saddexaad ee uu ku tago dalka Kuuriyada Waqooyi, waana kiisii ugu horeeyey oo uu habeen ku hoyan doono.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: