Advertisements
Wararka

Ciidamada Nabad sugida oo gudaha u galay xarumaha Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo…


Ciidamada Nabad sugida gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa gudaha u galay xarumaha Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga ay weerareen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamada Nabad sugida ayaa gudaha u galay inta badan dhismaha xarunta Oto Oto ay degan yihiin Wasaaradaha la weeraray, waxa ayna ciidamada soo bad baadiyeen masuuliyiin iyo shaqaale badan oo go’doon ku jiray.

Qaar kamid ah Shaqaalaha wasaraadaha la weeraray ayaa la sheegay in uu soo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana shaqaalaha qaarkood la sheegay in dabaqyada iska soo tuureen.

Ciidamada Nabad sugida ayaa dhismaha Wasaaradaha la weeraray ka wada howlgal ay ku baadi goobayaan rag hubeysan oo la tuhmayo in wali ku jiraan qeybo kamid ah dhismaha, waxaana hada yaraaday rasaastii laga maqlayay gudaha xarunta la weeraray.

Sargaal katirsan Laamaha amaanka ayaa sheegay in la dilay inta badan ragii hubeysnaa ee weerarka geestay, waxa uuna sheegay sargaalkan in uu hada gabo gabo ku dhaw yahay howlgalka weerarka lagu soo afjarayo.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen xarumaha Wasaaada Arimaha Gudaha io Amniga waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacab , ciidan iyo dad u shaqeeya dowlada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: