Advertisements
Wararka

Kalfadhigii seddaxaad ee Golaha Shacabka oo la xiray asaga oo goluhu shaqeeyey 3 bil…


Kalfadhigi saddexaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la xiray iyada oo goluhu uu shaqeeyay wax ka yar saddex bil oo buuxda. Kalfadhiga oo furmay 10kii bishii Maarso [2018] ayay ahayd in uu xirmo Talaadada soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka Luulyo, sida ku xusan xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo jideeyay in Kalfadhi walba uu furnaado afar bil oo buuxda.

Laakiin hab-dhowre kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sharmaarke Garaad Saleebaan ayaa u sheegay warbaahinta Kalfadhi in bisha Soon ay ku beegantay.

“Kalfadhigii saddaxaad saddex bil baan si rasmi ah u shaqeynay, oo bisha soon iyo ciiddii baa bil fasax ah Goluhu galay, waxaana la isku soo laaban doonaa bisha Septembar” ayuu Xildhibaan Sharmaarke.

Sidaasna waxa ay xildhibaannadu ku qaadanayaan saddex bilood oo fasax ah, June oo dheeraad ku ah iyo Luulyo iyo Agoosto oo ah bilaha sida sharciga ah uu Goluhu leeyahay fasaxa dastuuri ah.

Fasaxa ayaa imaanayaa iyada oo ay golahu uusan wada dhammaysan qorshaha kalfadhiga labaad, oo ay hareysay xiisado siyaasadeed oo sababay in kulamo ay golaha ka baaqdaan, Kulamo kale oo dhowr ahna waxa ay Kalfadhigaan u qabsoomi waayeen kooram la’aan.

Kalfadhigii saddaxaad waxaa laga rabay xildhibaannada in ay kulmaan 48 kulan, waxa ayse kulmeen dhawr iyo toban kulan sida uu inoo sheegay Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan.

Marka uu furmo kalfadhiga afaraad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad, waxaa horyaalla xeerar ay tahay in muhiimad ay siiyaan xildhibaannada Goluhu, kuwaas oo gaaraya ilaa 11 xeer, oo ay ka mid yihiin xeerka xaqsiinta ciidanka, dib u dajinta, argagaxisada, xeerka doorashooyinka 2020-ka, waxaana dhammaan xeerarkaas iyo kuwa kale ee soo kordhi doona kalfadhiga afaraad la doonayaa in ay xildhibaannadu meel mariyaan inta u dhaxeeysa September ilaa December 2018.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: