Advertisements
Wararka

Qarax ismiidaamin iyo mid toos ah oo lagu qaaday Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga…


Qarax ismiidaamin iyo mid toos ah ayaa lagu qaaday sida aan Wararka ku helnay xarumaha Wasaaradaha Arimaha gudaha iyo Amniga oo kuyaala Ex Xaruntii hore ee Oto Oto ee ku dhagan isgooska Sayidka.

Dabley hubeesan ayaa lasoo sheegayaa in gudaha u galeen xarumaha Wasaaradahaasi oo kuyaala hal dhismo, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas aad u culus oo u muuqda kuwa la is dhaafsanao.

Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay koontaroolka yaala Isgooska Sayidka sidoo kale ku aadan halka laga galo xarumaha Wasaarada Amniga iyo sidoo kale arimaha Gudaha.

Qaraxa kadib ayaa dabley hubeesan ku carareen dhinaca xarumaha Wasaarada Amniga iyo Arimaha Gudaha halkaas oo lasoo sheegayo in ay gudaha ugu jiraan qeybo kamid ah wasaaradahaasi.

Xaalad cakirnaan ah ayaa ka jira aaga isgooska sayidka, waxaan halkaasi buux dhaafiyay ciidamo aad u badan kuwaa oo gabi ahaan xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa isgooska Sayidka.

Dhinaca kale qarax labaad oo aad u xoogan ayaa ka dhacay meel ku dhaw Isgooyska Sayidka, qaraxaan labaad ayaa la sheegay in uu ahaa gaari ay ka dageen raga hubeysan ee weeraray Wasaaradaha Amniga iyo Arimaha Gudaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: