Advertisements
Wararka

Mark Zukerberg oo galay kaalinta seddaxaad liiska dadka ugu taajirsan dunida…


Mark Zuckerberg, aasaasaha Facebook ayaa galay kaalinta seddexaad liiska dadka ugu taajirsan dunida, wuxuu ka fara xayuubiyey kaalintaasi maalqabeenka Mareykanka Warren Buffett.

Sida laga soo xigtay wakaaladda Bloomberg, maalka Zuckerberg (34 jir) ayaa gaaray $ 81.6 billion, ka dib markii uu saamiyada shirkaddiisa kor u kacday 2.4% ee ganacsiga jimcihii la soo dhaafay.

Lacagtani ayaa siyaaday $ 373 milyan oo ka badan maalka Warren Buffett (87 sano), kaasi oo hogaaminaya shirkadda “Berkshire Hathaway” ee maalgashi.

Bloomberg ayaa Tilmaamay kor u kaca Zuckerberg uu xaqiijinayo in waaxda tiknoolijiyada ay tahay isha hantida, maadaama dadka ugu horeeya liiska ka soo jeedaan waaxdaasi sida Jeff Bezos oo ah aasaasaha Amazon, waxaa soo raaca Bill Gates, oo ah aasaasaha Microsoft.

Tani waa markii ugu horeysay ee saddexda kaalimood ee ugu horeeya liiska dadka ugu taajirsan ay nasiib u helaan dad ka soo wada jeeda waaxaha Tiknolojiyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4270 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: