Advertisements
Wararka

Mas’uuliyiinta Thailand oo sheegay in lagu guuleystay in la soo saaro afar ka mid ah…


Mas’uuliyiinta dalka Thailand ayaa ku dhawaaqay guushii ugu horreysa ee badbaadinta carruurtii ku xannibneyd godka ka buuxa biyaha laba toddobaad ka hor waqooyiga Thailand, afar ka mid ah ayaa ilaa hadda loo qaaday isbitaal.

Mas’uuliyiinta ayaa bilaabay howlgalkan samatabbixinta ee lagu badbaadinayo kooxda kubada cagta oo ka kooban 12ka iyo tababarahooda maalintii Sabtiga, kadib markii korodhay cabsida kor u kaca heerka biyaha godka sii di’ida roobka joogtada ah awgeed.

“Waxaan marka hore soo saarnay laba ka mid ah caruurta, waxayna hadda ku sugan yihiin isbitaalka goobta ku dhow godka,” sidaasi waxaa yiri Tasathip Punutong, oo ah sarkaal caafimaad oo u qaabilsan kooxda badbaadinta, ayuu u sheegay Reuters.

Masuuliyiintu ma xadidin waqtiga ay qaadaneyso samatabixintu.

Halkaasi waxaa ku sugan 18 quuse oo 13 ka mid ah ajnabi iyo shan ka mid ah ciidamada gaarka ee badda Thailand oo galay godka si ay u soo saaraan caruurta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: