Advertisements
Wararka

Tareen ka baxay wadadii uu ku socday oo ku dhintay 10 qof dalka Turkiga…


Tareen ayaa ka baxay wadadii uu ku socday magaalada Tekirdag ee Waqooyi Galbeed ee Turkiga, waxaa ku dhintay 10 qof waxaana ku dhaawacmey 73, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wakaaladda Anadolu ayaa ka soo xigatay waaliga magaalada Tekirdag, Mohammad Jilan, oo sheegay inay jiraan tiro badan oo rakaab ah oo dhintay iyo qaar kalena oo dhaawacmey, sidoo kale wuxuu sheegay in gawaarida tareenka ay laalaadaan.

Jilan ayaa sheegay in sababta shilka aan weli la ogeyn ilaa iyo hadda, laakiin wuxuu tilmaamay in roobabka culus ee da’ay ay noqon karaan sabab toos ah oo tareenka uga baxo jidkiisa.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ee Turkigu ayaa u dirtay diyaarado helikobtarro ah si ay u caawiyaan dadka dhaawacyada qaba, halka ciidamada Turkiga ay sidoo kale direen helikobtarro milatari.

Channel-ka Turkiga ee TRT ayaa muujiyay dhimashada dhowr qof oo rakaab ah oo la socday tareenka, waxaana saarnaa 360 rakaab ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: